Ciidanka Xooga Soomaaliya

Ciidamada qalabka sida
القوات المسلحة صومالية

Astaanta ciidanka
Asaas 1960
Qaabkooda hadda Ciidamo beeleedyo isutagay
Qaybha ciidanka Ciidamada Birriga
Ciimada Cirka
Ciidamada Badda
Xarunta Muqdisho, Soomaaliya
Hogaanka
Commander-in-Chief S/GUUTO ADOWA YUSUF RAGE
Wasiirka Gaashaan dhigga HASSAN HUSSEIN HAJI
Taliyaha ciidamada qalabka sida General Abdirsaaq khaliif cilmi
Awooda Ciidan
Da'da Ciidanka 16 - 55
Tababarka Dawladda dariska iyo kuwa kale
Ciidan
Noqon kara
2,261,704 (2010 est.; lab)
2,217,584 (2010 est.; dhidig), age 18–49
Ciidanka
hawl gali kara
1,328,567 (2010 est.; lab)
1,386,971 (2010 est.; dhidig), age 18–49
Waxa Ciidan noqan kara
Sanadkiiba
999.000 (2010 est.; lab)
999,771 (2010 est.; dhidig)
Shaqsiyaadka Firfircoon Sareeye Gaas
Ciidanka Kaydka Wax kayd ah malahan
Qarashka ku baxa
Wax soo saarka dalka inta uga baxda 0.9% (2005)
Qalabka
Gudaha waxa ay ka helaan Warshado qalab ciidan malahan
Dalalka taageera Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta (Khaliij)
Waxa ay sanadii soo dhoofsadaan Cunaqabatayn ayaa saaran
Waxa ay dhoofiyaan sanadkiiba Ma jiraan

Ciidanka Xooga Soomaaliya (Af Ingiriis : Somali Armed Force; loo soo gaabiyo SAF; Af Carabi : ar‎) sido dowliga ah loo yaqaano Ciidanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waa Ciidanka Qalabka Sida ee wadanka Soomaaliya.[1] Ciidanka xooga dalka waxaa hogaamiya madaxweynaha wadanka, waxayna masuul ka yihiin amniga, amaanka, jiritaanka iyo xoriyada, sharafta iyo kaladembeynta wadanka.[2]

Taariikh ahaan, ciidanka wadanka Soomaaliya wuuu ahaan jirey kan ugu xoogan qaarada Afrika. Ciidanka Soomaaliya waxaa markaas weeninkiisa lagu qiyaasaasi jiray in oo u dhaxeeyay 350,000 ilaa 400,000 oo ciidan oo diyaar ah. Ciidanka soomaaliya waxaa la sameeyay 1960kii, waa markii ee soomalaiya xornimadeeda ka heshay gumeesti yaashii Ingriiska iyo Talyaaniga. Ciidamada soomaaliya waxee ka koobnaayeen Ciidanka Badda Soomaaliya, Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya. Shaqadooda ugu horeeysay ee qabtaan neh waxee eheed Xoreentii Soomaali Galbeed 1976ii, waa markii ee 4 dal ku goobteen. Ciidamada Soomaaliya qalab badan oo xoogan ee lahaayeen, waxaana si fiican u dhisay, wadamada Ruushka (Midowga Soviet), Talyaaniga iyo mareykanka oo hub ugu saaiidi jiray. Ciidamada soomalaiya ayaga ayaa ciidankooda sii tabo bari jiray dhinaca dhulka iyo cirka. 20sano kadib ciidamada soomaaliya awood ee ku difaacan dalka malahan,Kuwii hore ee xooga dalka soomalaiya wee duqoobeen, qaar neh dalka ee ka baxeen, qaar badan neh dagaalkii sokeeyay ee ku dhinteen. sidii loodhisay Dawladda KMG, somalia waxee yeelatay ciidan yar oo 20,000 gaareenin, sifiican neh u tabo barneen, qalab fiican iyo dhaqaalo ciidan neh ee heesanin. Ciidanka maanta ka jira dalka soomaaliya, waa kuwo dalkooda difaacaya ayaga oo waxba heesanin, qalab ama gawaarida militariga. Maadaama oo dalka ka jiro dagaalo, mala dhihi karo ciidankeena woo dhisanyahay, ayaga oo waxba heesanin qofna caawinin.

  1. "Nuqul Archive" (PDF). Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 28 December 2013. Soo qaatay 13 March 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2 April 2015. Soo qaatay 13 March 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin) Chapter 14, Article 126(3).

© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search