Qaraami

Haku khaldin qaaciga
kabanku waa u muhiim heesaha qaraamiga

Qaraami waa nooc ka mid ah heesaha Soomaalida taasi oo leh dhandhan ka duwan noocyada kale ee Suugaanta. Qaraamigu waa heesaha Af Soomaaliga ee la qaaday wixii ka horeeyay 1985kii[1] kuwaasi oo loo tumayo noocyo badan oo qalab muusig ah sida kaban, gitaar, durbaan, biyaano iyo turunbo. Mararka qaar waxaa muusiga qaraamiga loo garaacaa tiro Kooban oo qalabka muusig ah. Si ka duwan heesaha qaaciga, qaraamiga waxaa laga dulqaadayaa masrax halkaasi oo fanaaniintu ku muujiyaan qoobkaciyaar iyo isrux.

Fanka Soomaalida waxaa in badan ku jira heeso qaraami ah oo la sameeyay wakhtiyadii fanka Soomaalidu hanoqaaday.

  1. "heesaha qaraamiga ah"

© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search