Soomaaliya

Coordinates: 10°N 49°E / 10°N 49°E / 10; 49

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Soomaaliya
Heesta qaranka: "Qolobaa Calankeed"
Meelaha ay maamusho Dowlada Somalia waxaa lagu muujiyay cagaar madow ah; meelaha ay maamusho dowladdaha Khatumo, Makhir iyo somaliland waxaa lagu muujiyay cagaar khafiif ah. Soonayaasha la maamulaayo waa mida waqtigaan xaadirka.
Meelaha ay maamusho Dowlada Somalia waxaa lagu muujiyay cagaar madow ah; meelaha ay maamusho dowladdaha Khatumo, Makhir iyo somaliland waxaa lagu muujiyay cagaar khafiif ah. Soonayaasha la maamulaayo waa mida waqtigaan xaadirka.
Meelaha ay maamusho Dowlada Somalia waxaa lagu muujiyay cagaar madow ah; meelaha ay maamusho dowladdaha Khatumo, Makhir iyo somaliland waxaa lagu muujiyay cagaar khafiif ah. Soonayaasha la maamulaayo waa mida waqtigaan xaadirka.
File:Somalia Location Map (2011) - SOM - UNOCHA.svg
Location of Somalia
Magaalo madax
Waa Magaalada ugu balaaran
Muqdisho
Luqadaha rasmiga ah
Dadka Soomaalida
Xukunka Federaal Baarlamaanka Jamhuuriyadda
 -  Madaxweynaha Hassan Sheik Mohamoud,PDP
 -  Raiisul wasaaraha Hamza Abdi Barre
Sharci dejinta |Baarlamaanka Federaalka
Samaynta
 -  Boqortooyada Ingiriiska Somaliland 1884 
 -  Boqortooyada Talyaaniga Somaliland 1889 
 -  ka xoroobay Boqortooyada Talyaaniga 1 Juulyo 1960 
 -  Qaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ogolaashaha Qaramada Midoobay 20 Sebteembar 1960 
Baaxad
 -  Guud ahaan 637,657 km2 (39th)
246,200 sq mi 
Tirada dadka
 -  2024 qiyaasta 20,031,386 (65th)
 -  Mugga Dadka 19.31[2]/km2
41.73/sq mi
Wax soo saar (PPP) 2022 qiyaastii
 -  Guud ahaan 5585.00 PPP
 -  Qof qof US$13077.23 (91th)
Wax soo saar (Iskaga magacaaban) 2023 estimate
 -  Guud ahaan 18.73 Billion Dollarka (77)
Lacagta Shilin Soomaali ($1=106 SOS)
Waqtiga EAT (UTC+3)
Taariikhda dd/mm/yyyy
Wadista Baabuurta midigta
Thiinada telka +252 0634783344
ISO 3166 code SO
Furaha Internetka .so

Soomaaliya (, af somaliالصومال, Wadaad: صومالِيَ), sida rasmiga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Af Ingiriis : Federal Republic of Somalia) (waxaa hore loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii hore ee Hantiwadaaga), oo sii dhaxal ahaana loo yaqaano Soomaal waa Dowlad iyo wadan dhacda Geeska Afrika ama Foolalka Afrika ee kasii socda Marinka Gardafuul. Wuxuu ka kooban yahay maamul goboleedyo sida SSC-Khatumo state, Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Maakhir, iyo Koonfur Galbeed. Waxaa ka xiga bariga marinka Gardafuul iyo Seyshelles, iyo Soqotra iyo badda Soomaal, koofuurna Kenya. Waxaa ku nool dad Faanyahan ah, iyo dadka Dhul-hoos Bari Kushiitik ah.

Kiinya Koofur galbeed, iyo Gacanka Cadmeed woqooyiga iyo Marinka Gardafuul bariga iyo Itoobiya galbeedka. Waxay leedahay xad badeedka ugu dheer qaaradda Afrika. Waxaa kala duwan qaabka dhulka kuwaas oo kala ah Buuro, Dul iyo Bannaan. Cimiladeeda oo ah lama degaan kulul dhamaan sanadka iyada oo ay jiraan xoogaa dabaylo xilliyeed iyo roobab aan joogto ahayn.

The Sultanate of Mogadishu's medieval currency

Soomaaliya xilliyadii hore waxay ahayd meelaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamiga ah ee ka dhexeeyay dawladihii hore ee caalamka. Xilli ay ahaayeen Badmareenada iyo ganacsatada Soomaaliyeed kuwo dhoofiya Luubaanta iyo Malmalsha taasoo ka dhignayd kuwo u soo saari jiray Masartii hore, Fiiniqiyiintii, Maysuuniyiintii iyo Baabil taasoo isku xiri jirtay dhammaan gaadiidka Awrta ama Geela ganacsiga Soomaaliyeed waxay la wadaageen Soomaalida xiriir ganacsi.[3][4] Sida ay la tahay in badan oo taariikhyahano ah iyo kuwa dhiga taariikhda, waxay cadeeyeen Soomaaliya in ay tahay meesha lagu tilmaamay dhukii Buntiga ee hore taasoo la lahayd xiriir wanaagsan Faraaciintii Masar gaar ahaan xilligii Fircoon "saaxuurac" ee ka midka ahaa boqoradii Masar casrigii Dawladdii hore, iyo boqortooyadii "Xatshabsuut" ee ka mid aheeyd boqoradii qoyskii reer masar ee sideed iyo tobanaad casrigii dawladda cusub.[5][6][7][8] Waxaa loo malaynayaa arrinkaas dhismeyaasha Ahraamta iyo Macbadyo iyo dhismeyaal ee lagu dhisay Garanayt iyo Shiil Cad taasoo loo malaynayo waqtigeeda isla xililligaas una dhigma kuwa la midka ah ee dhismeyaashii msar.[9] sidoo kale xilliyadii hore, waxaa tartamayay dawlado kuwaasoo isku dayay in ay xiriir la yeeshaan dadyoow deganaa dhuka Soomaaliyeed sida jasiiradda xaafuun raas casayr iyo Malaw iyo Mareeg iyo dariskooda Boqrtooyadii Saba iyo Arshek iyo Boqortooyadii Aksam ee ku salaysan ganacsi iyo qaybo ka mid ah boqoro ka jiray Hindiya iyo Giriiga iyo Roomaanka.[10] Markii ay ka soo if baxday diinta islaamka meel ku beegan geeska AfricaSoomaaliya Badda cas waxay soo qaateen ganacsatada iyo badmareenada soomaaliyeed ee aadi jiray Jasiirad la mooda carbeed diinta Islaamka taasoo ka dhalatay macaamilka ay la lahaayeen carabta Muslimka ah. Hijrooyinkii ay sameeyeen dad saxaabada ka mid ah meelo badan oo dunida muslimka ah qarniyadii hore ee diinta islaamku faafaysay ayaa waxay sahashay in ay soomaalidu qaadato diinta islaamka si nabad ah macalimiin Soomaaliyeedna ayna barayeen dadka, waxaa ka dhismay dhulka Soomaaliyeed dawlado iyo magaalooyin islaami ah sida magaalooyinka Muqdisho, Baraawe, Mareeg iyo Marka, taasoo ahayad qayb ka mid ah ilbaxnimadii Soomaalida. Waxaa loo yaqiin magaalada muqdisho "Magaaladii Islaamka"[11] Waxaa la joogay ganacsiga dahabka ee ku taal Bariga Afrika qarniyo badan.[12] iyo Casriyadii dhexe, Boqotooyooyin Soomaaliyeed baa la wareegay wadooyinkii ganacsiga sida saldanadii Ajuuraan iyo saldanadii Warsangali taasoo xukumaysay dhulka intii u dhexaysay qarniyadii laba iyo tobanaad ilaa todoba iyo tobanaad ciise dabadii taasoo alliftay hindisaha cilmiga dareeraha dheqdheqaaqa iyo dhismeyaasha darbi difaaca,[13] Sidoo kale saldanadii Cadal taasoo Imaam Axmed Guray waa ciidankii ugu horeeyay afrika ee adeegsada Madfac dagaalkii lagula jiray xabashida[14] intii u dhexaysay sanadihii 1529 ilaa 1543, sidoo kale qoyskii Goonroon taasoo xukumi jirtay magaalada Laamu ee xiriirka la lahayd saldanada cumaan ee iyana hoos imaan jirtay Cusmaaniyiinta kaasoo ka qaadi jiray Jizyo suldaan axmed yuusuf, suldaankii afaraad ee Ajuuraan kaasoo xukumayay intii u dhexaysay 1848 ilaa 1878.[15] Qarnigii sagaal iyo tobanaad kadib kulankii Baarliin 1884, boqortooyooyinka yurub waxay u soo direen cidmadooda Baragiga Afrika Si ay dhulkaas caalamka istiraatiijiga u ah u qabsadaan taasoo kaliftay in Diiriye Guure, aasaasihii dawladdii daraawiishta in uu ciidamo soomaali ah ka soo usruusado geeska afrika oo dhan waxay ahayd inta taariikhda la ogyahay is hortaag kii ugu weynaa ee lagu sameeyo Isticmaarka.baraawe [File:Somali_traditional_doorway_with_decorative_carving,_set_into_white_stone_wall.jpg|thumb|right|300px|]] Waxaa u suurta gashay Soomaalida ugu horayn ka hortagga Soomaalida.[16][17][18][19] dawladii boqortooyada Diiriye Guure waxay iska caabiyeen Ingiriiska afar mar oo isxigta waxaana lagu qasbay in ay dib ugu gurato dhanka xeebaha. waxay jabtay boqortooyda Diiriye Guure 1920 kadib adeegsigii Ingiriiska uu adeegsaday diyaaradaha intii dagaalka lagu jiray duqaynta taleex caasimadda ciidankii Diiriye Guure iyo dhamaan dhulkii Diiriye Guure waxaa la wareegay ciidmadii gumaysiga Ingiriiska. Sidoo kale Talyaaniga wuxuu la kulmay iska caabin kaga imaanaysay salaadiin Soomaaliyeed mana uwada suurta galin in uu wada qabsado qaybo ka mid ah dalka ee hadda loo yaqaan Dawladda Soomaaliya marka laga reebo xilligii fajiistaha dabayaaqadii sanadkii 1927 waxayna haysteen ilaa 1941 kaasoo lagu bedelay xukunkii ciidmada ee Ingiriiska. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu sii ahaaday mustacmarad Ingiriis ah halka koofurta Soomaaliya isku bedeshay dawlad madax bannaan laakiin ay la socoto wasaayad ilaa laga gaaro midayntii labada gobol 1960 kuma midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya. Soomaaliya waxay xubin ka noqotay Jaamacada Carabta sanadii 1974. sidoo kale Soomaaliya waxay xiriir fiican la samaysatay dadlalk afrika, waxay ka mid ahayd dawladihii aasaasay Midowga Afrika, waxay taageeri jirtay ANC ee Koonfur Afrika kana soo herjeeday nidaamkii Apartheid ee cunsuriga ahaa[20] waxay kaloo taageertay Soomaaliya dagaalyanada Eratareya intii ay ku jirtay Eretariyiinta dagaalkii looga soo horjeeday Itoobiya.[21] Iyadoo ka mid ah Dawladaha Islaamiga hadana Soomaaliya waxay ahayd aasaasayaashii Ururka Iskaashiga Islaamka sidoo kale waxay xubin ka ahayd Qaramada Midoobay. Soomaaliya iyadoo dhibaato kala kulantay Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya iyo deganaasho la'an ku baahday gudaha, waxay ku guulaysatay abuurista Suuq xor ah kana sareeya inbadan ee nidaamayada dhaqaale ee Afrika kale sida ay sheegtay daraasad ay sameeysay qaramada midobay.[22]

  1. Scuola media di Mogadiscio
  2. UNFPA Somali Population Survey 2014. Somalia.unfpa.org (6 April 2014). Retrieved 6 October 2016.
  3. Phoenicia pg 199
  4. The Aromatherapy Book by Jeanne Rose and John Hulburd pg 94
  5. Egypt: 3000 Years of Civilization Brought to Life By Christine El Mahdy
  6. Ancient perspectives on Egypt By Roger Matthews, Cornelia Roemer, University College, London.
  7. Africa's legacies of urbanization: unfolding saga of a continent By Stefan Goodwin
  8. Civilizations: Culture, Ambition, and the Transformation of Nature By Felipe Armesto Fernandez
  9. Man, God and Civilization pg 216
  10. Oman in history By Peter Vine Page 324
  11. Society, security, sovereignty and the state in Somalia – Page 116
  12. East Africa: Its Peoples and Resources – Page 18
  13. Shaping of Somali society Lee Cassanelli pg.92
  14. Futuh Al Habash Shibab ad Din
  15. Sudan Notes and Records – Page 147
  16. Politics, language, and thought: the Somali experience – Page 135
  17. Africa report pg 69
  18. Essentials of geography and development: concepts and processes By Don R. Hoy, Leonard Berry pg 305
  19. Encyclopedia of African history – Page 1406
  20. ANC Today Volume 7, No. 1, 12-18 January 2007
  21. Superpower diplomacy in the Horn of Africa – Page 22
  22. UN news center. Somalia economy stronger than others in Africa, UN-backed meeting says

© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search