Ilaahay

Kani waa maqaal ku saabsan Alle (s.w). Bogaga Alle, Allah waxa laga soo toosiyay halkan.
اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Alle, Allah, Ilaah, iyo Rabbi (Af-Carabi: الله; Af-Taliyaani : Dio; Af Ingiriis : God; Ge'ez: እግዚአብሔር) (English pronunciation: /ælə/ or /ə/; [1] Af Carabi : arAllāh, IPA: [ʔalˤˈlˤɑːh] ( dhageeyso)) (al ilāh).[2][3][4][5] waa awooda guud ee maamula koonka iyo wixii ku dhex jira ee dadka, jinka, malaa'igta, shaydaanka iyo wixii soo raaca leh.

Sida ku xusan diinta Islaamka, Ilaahay waa:

Aqoon-badane, Awood-badane, wax kasta maqla, wax kasta arka, wax kasta og, kan ugu wanaagsan, siduu doono yeele, waligiis soo noolaa, waligiis noolaan doona, waxba aan dhalin, asaga la dhalin, Kan ugu weyn, Kali, Kow, naxariis badane, ciqaab adke, Kan ugu horeeya, Kan ugu dambeeya, Boqor, Boqorka boqorada, Deeq badane, Nabadgelye, Hanuuniye, Toosiye, Abuure iyo astaamo badan oo kale.″

Alle waa kan abuuray dunida wixii ku dhexjira ee nool iyo aan noolayn, meereyaasha, qoraxda, xidigaha, hawada, biyaha iyo guud ahaan Koonka. Sidoo kale, Ilaahay Asaga ayaa maamula dhamaan nolosha, dhimashada, arsaaqada iyo wixii la halmaala.[6][7][8]

Allah oo ku qoran farta Carabiga
Allah oo ku qoran noocyo badan oo farta caalamka ah

Ilaahay (s.w.t) waa kan abuuray dhamaan nolosha, isla markaana maamula jiritaanka, calafka, nolosha iyo dhimashada wakhtigooda.

Sida kitaabka Quraanku inoo sheegay awoodaha Alle waxaa ugu waawayn abuurida cirka iyo dhulka, iyo duunyooyinka kale, malaa'igta, dadka, jinka iyo dhamaan noolaha ku dhexjira koonka. Sidoo kale, waxaa jira jano iyo cadaab la isku xisaabin doono aakhiro.

Ereyada af-Carabi ee kelmada "Allah" ka samaysan tahay:
1. alif
2. hamzat waṣl (همزة وصل)
3. lām
4. lām
5. shadda (شدة)
6. dagger alif (ألف خنجرية)
7. hāʾ

Kelmada "Allah" waxay ka timid luuqada Carabiga ah ee uu ku soo degay kitaabka Quraanka ee saldhiga u ah diinta Islaamka. Dhamaan dadka qaatay diinta Islaamku waxay sidoo kale isticmaalaan magacyada Alle ee luuqada carabiga ah. Waxaa jira 99 Magac oo Ilaahay (s.w) leeyahay, kuwaasi oo dhamaan xusaya weeynida iyo astaamaha Alle.[9] Dhamaan diimaha ka jira caalamka waxay ku salaysan yihiin caabuditaanka Ilaahay, waloow ay siyaabo kala duwan u sharaxaan oo u cibaadeystaan. Diimaha la isku yidhaahdo "Abrahamiga" oo ku abtirsada Nabi Ibraahim (c.s) (kuwaasi oo kala ah Islaamka, Masiixiga iyo Mosaicga) waxay dhamaan aaminsan yihiin oo ka mideeysan yihiin inuu jiro Hal Alle, kaasi oo ah Kan abuuray dhulka iyo cirka iyo wixii ku dhexjira.[10][11][12] Many Arabic type fonts feature special typographic ligature|ligatures]] for Allah.[13][14]

Si kastaba ha ahaatee, diinta Islaamka waxaa ku xusan jiritaanka iyo weeynida Alle, waxaana marar badan dadka la xasuusiyaa awooda Allah iyo mucjisooyinkiisa. Talaabada koowaad ee marka qofku soo galayo diinta Islaamka ayaa ah Shahaadada taasi oo sheegaysa in qofkaasi qirayo in Alle jirin Ilaahay mooyee, Nabi Muxamedna yahay rasuulkiisii.

لا إله إلا الله محمد رسول الله
lā ʾilāha ʾillā-llāh, muḥammadur rasūlu-llāh
  1. "Allah". Random House Webster's Unabridged Dictionary.
  2. Ilaahay Immisa Magac Buu Leeyahay?
  3. God. Islam: Empire of Faith (en)
  4. "Islam iyo Christianity", Encyclopedia of Christianity (2001): Arabic-speaking Christians and Jews also refer to God as Allāh.
  5. Allah, Encyclopaedia of Islam Online, L. Gardet, 2 May 2007}}
  6. Sikhs target of 'Allah' attack, Julia Zappei, Jan. 14, 2010, The New Zealand Herald. Accessed on line Jan. 15, 2014.
  7. Malaysia court rules non-Muslims can't use 'Allah', Oct. 14, 2013, The New Zealand Herald. Accessed on line Jan. 15, 2014.
  8. Malaysia's Islamic authorities seize Bibles as Allah row deepens Archived Jannaayo 16, 2014 // Wayback Machine, Niluksi Koswanage, Jan. 2, 2014, Reuters. Accessed on line Jan. 15, 2014
  9. srigranth.org
  10. L. Gardet, "Allah", Encyclopedia of Islam
  11. Smith Peter A concise encyclopedia of the Bahá'í Faith, 2000 Oneworld Publications, pages 274–275
  12. unicode.org
  13. "Arabic fonts and Mac OS X". Waxaa laga kaydiyay the original 2008-03-10. Soo qaatay 2015-09-07.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  14. "Programs for Arabic in Mac OS X". Waxaa laga kaydiyay the original 2013-10-06. Soo qaatay 2015-09-07.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)

© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search