Itoobiya

Itoobiya
Federal Democratic Republic of Ethiopia
Calanka Itoobiya Astaannta Qaranka ee Itoobiya
Calan Astaannta Qaranka
Qaarada Afrika
Astaanta Calanka
Wodefit Gesgeshi, Widd Innat Ityopp'ya
Location of Itoobiya
Location of Itoobiya
Caasimada Addis Abeba
Luuqada(ha) Looga hadlo Amxaari
Af-Soomaali
Af-oromo
Af-Tiigree
 -  Madaxweyne Sahle-Work Zewde
 -  Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed,
Area
 -  Total 637,661 km² 
246,201 sq mi 
 -  Biyo (%) 7.8%
Cadadka Dadka
 -  2015 qiyaas 102,474,625 
Lacagta Birr
Wakhtiga EAT 

Itoobiya (/iˈpiə/; Af Amxaari : ኢትዮጵያ, ʾĪtyōṗṗyā, ku saabsan galkaan dhageyso codka) sida rasmiga ah loo yaqaanno Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, waa wadan ku yaal Geeska Afrika, waxa uuna xuduud la leeyahay wadamada Jabuuti, Suudaan,Koonfur Suudaan, Ereteriya, Soomaaliya iyo Kiinya. Caasimada Itoobiya waa Addis Abeba. Wakhtigii gumeysiga, dagaal badan baa udhaxeeyey dawladda Darwiish ee uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo Menelik II.

Itoobiya waa wadan weyn oo aan badd lahayn, waxa uu leeyahay 4 wabi oo waaweyn kuwaas oo kala ah:- wabiga Niil, omo, Awash, iyo Wabiga Shabeelle. Itoobiya markeedii hore waxaa la dhihi jiray (Abyssinia), laakiin waxaa lagu bedelay itoobiya, oo micnaheedu yahay (Madoow ama Dhulkii dadka Madoobaa). Waayadii hore madaxdii Giriiga iyo Romaanka waxa ay la shaqeen jireen hoggaankii itoobiyaanka.


© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search