Keyn
Keyn wadarteeda loo yaqaano Keymo (ingiriis: Forest) waa dhul baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyo cows badan leh, kuwaas oo dabiici ama dad-beer ah. Tiro badan oo dhir nooceeda, dhererkeeda iyo qaradeedu kala duwan tahay ayaa noqonaysa Keyn.
Oogada sare ee dhulka waxaa ku yaala keymo aad u badan kuwaas oo ku fadhiya 9.4% dhulka dunida. Si kale hadaan u dhigno keymuhu waxay qariyaan 30% dhulka qalalan ee dunida.
Intaas uun kuma koobna ee waxaa jira keymo biyaha ku dhex yaala. Waxaa ka mid ah keynta kelp.
Keymaha dunida ugu weyn waxaa ka mid ah Keynta Tayga ee ku fidsan labo qaaradood, taas oo ka soo bilaabanta Kanada kuna fidsan dhamaan wadanka Ruushka, iyo Rainforest oo ku taala wadanka Brasil ee Koonfur Ameerika.
© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search