Makka

Makkah

Mecca/Makkah

Makka

Makkah al-Mukarramah/ﻣﻜﺔ ﺍﻟﻤﻜﺮﻣﺔ
File:Meccamontage.jpg
Ka soo biloow kor bidix: Kacbada, dabaqyada dhaadheer ee Makka, Abraj al Bayt, masjid al-Xaraamka iyo tukashada Xajka.
Nickname(s): 
Ummu al-Qura ("Hooyada Deegaanka")
Mecca/Makkah is located in Earth
Mecca/Makkah
Mecca/Makkah
Maabka magaalada Makka
Dalka Sacuudi Carabiya
Deegaanka:Gobolka Makkah
Wakhtiga:1980 C.H (Ciise Hortii)
Dowlada
 • Dadkii dhisay:Nebi Ismaaciil wiilkii Nebi Ibraahim
Area
760
850 km2 (330 sq mi)
 • Land1,200 km2 (500 sq mi)
Tirada dadka
((2010))
 • Dhammaan1,675,368
 • Cufnaanta dadka2,200/km2 (6,000/sq mi)
Aag saacadeedUTC+3 (UTC)
 • Xagaa (DST)AST (UTC +3)
Websitehttp://www.holymakkah.gov.sa/
Koodhka wicitaanka: (+966) 2
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "longm" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "longEW" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "longd" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "latNS" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "lats" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "latm" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "latd" (this message is shown only in preview).
Warning: Page using Template:Infobox settlement with unknown parameter "longs" (this message is shown only in preview).
File:Meccamontage.jpg
Meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Makka.

Makka Mekka Makkah Makkah al-Mukarama (ingiriis: Mecca; carabi: ﻣﻜﺔ ﺍﻟﻤﻜﺮﻣﺔ; af-Soomaali: Mako[1]) waa caasimad ku taala Xijaas, iyo magaalo-madaxda Gobolka Makka ee dalka Sacuudi Carabiya. Magaaladani waxay dhacdaa 70 km (43 mi) waqooyiga magaalo-xeebeedka Jidah, dooxo godan dhexdeed taasi oo bada ka sareysa 277 mitir.[2] Maadaama Kacbada ku taalo magaaladan isla markaana ay tahay xaruntii u horeeysay ee diinta Islaamka waxay caasimada Makkah leedahay malaayiin dad (inta u dhexaysa 6 milyan ilaa 8 milyan)[3] ah oo soo siyaarta sanad kasta wakhtiga gudashada Xajka ee ku beegan 12ka Dul-Xijah; iyo wadar isku-geyn oo ka badan 15 milyan oo dad ah sanad kasta.[4] Tirada dadka deegaanka joogtada ku ah magaalada Mako waxaa lagu sheegay isku-celcelis 2 milyan sanadkii 2012ka.[5]

Guud ahaan, caasimadan Makko waa hooyga uu u dhashay Nebi Muxamed (c.s.w),[6] deegaankii ugu horeeyay ee lagu soo dejiyo waxyiga Qur'aanka[7] kariimka ah, magaalada xuddunta u ah diinta Islaamka, iyo meesha meesha uu ku yaalo masaajidka barakaysan ee Kacbada taasi oo ah jihada loo tukado dhamaan Salaadaha.[8]

Caasimada Makkah waxaa wakhti aad u dheer maamulaayay qaraabada iyo qoyska Nebi Muxamed (n.n.k.h) ee loo yaqaano "Shariifis"ka.[9] Laakiin markeey taariikhdu ahayd sanadkii 1925tii Dawladda boqortooyada wadanka Sacuudi Carabiya ayaa la wareegtay maamulka iyo gacan ku heeynta magaalada Makko, kuwaasi oo ilaa hada haya hogaanka iyo tallada caasimadan. Maamulka boqortooyada Sacuudigu aad ayuu u dhisay magaaladan, wuxuuna balaadhiyay dhismaha iyo baaxada ay ku fadhido Makko. Dhismayaasha wakhtigan lagu daray magaalada waxaa ka mid ah Abraj al Beyt oo ah dhismaha 3aad ee ugu dheer dunida iyo kan ugu weyn baaxada fadhi ee dunida.[10]

Isku soo duuboo, magaalada barakeysan ee Makkah waxaa iskugu yimaada dad ka badan 15 milyan oo muslimiin ah wakhtiyada kala duwan ee sanadka, taasi oo ka dhigtay caasimadan mida ugu isa-socodka badan dunida. Intaasi waxaa dheer magaalada Makkah looma ogola ineey tagaan ama dhex galaan dad aan muslim ahayn.[11]

  1. "ingiriis: Mecca; carabi: ﻣﻜﺔ ﺍﻟﻤﻜﺮﻣﺔ; af-Soomaali: Mako"
  2. "Mekka Makkah Makkah al-Mukarama"
  3. "Kacbada ku taalo magaaladan isla markaana ay tahay xaruntii u horeeysay ee diinta Islaamka waxay caasimada Makkah leedahay malaayiin dad"
  4. "magaalo-madaxda Gobolka Makka ee dalka Sacuudi Carabiya"
  5. "Xajka ee ku beegan 12ka Dul-Xijah; iyo wadar isku-geyn oo ka badan 15 milyan oo dad ah sanad kasta"
  6. "Makko waa hooyga uu u dhashay Nebi Muxamed (c.s.w)"
  7. "lagu soo dejiyo waxyiga Qur'aanka kariimka ah"
  8. "xuddunta u ah diinta Islaamka, iyo meesha meesha uu ku yaalo masaajidka barakaysan ee Kacbada"
  9. "qaraabada iyo qoyska Nebi Muxamed (n.n.k.h) ee loo yaqaano "Shariifis"ka"
  10. "Abraj al Beyt oo ah dhismaha 3aad ee ugu dheer dunida iyo kan ugu weyn baaxada fadhi ee dunida"
  11. The Center of Islam, Ahmed Husein, History of Islamic Empire:From the beginning to the present day, Vol. IV, ed. M.A. Al-Bakhit, L. Bazin and A.Husein, (Islamic Study, 2008), 1190.[1]

© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search