Masiixiyad

Sayid Ciise Masiix

Masiixiyad (Af Ingiriis : Christianity; Af Carabi: مسيحية) Kiristaan ama Kirishtaan waa Diin ka mid ah saddexda diimood ee samaawiga ah. Labada kale waa Islaam iyo Yuhuudiyah. Saddexdooduba nebi Ibraahim ayay ku abtirsadaan.

Diintan waxa udubdhexaad u ah Ciise Masiix (Christos), Baybalka, iyo taariikhda/dhaqanka kaniisadda.

Baybalku guud ahaan waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo kala ah: Axdigii Hore (Tawraad) iyo Axdiga Cusub (Injiil). Weliba waxaa si gaar ah Injiil loogu sheegaa mid kasta oo ka mid ah afarta buug ee ugu horreeya Axdiga Cusub.


© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search