Nabi

Nabi

اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Nabi[1] sidoo kale loo qoro Nebi (ingiriis: Prophet; carabi: ﻧﺒﻲ, "Nabiyu"; wadar الأنبیاء, loogu dhawaaqo "Al-Anbiyaa"; sidoo kale: ﺭﺳﻮﻝ, "Rasuul"; wadar ahaan: الرسل; "Ar-Rasul") waa qof karaamaysan[2] oo Ilaahay (s.w) u soo diray dadka.[3] Nabi kasta waxaa loo soo diray in uu baro, u digo, isla markaana hogaamiyo bulsho dad ah. Tirada Nebi ee Alle u soo diray shacabka, qabiilada iyo bulshooyinka dunida aad ayay u faro badan yihiin; sidoo kale, wakhtiyada ay soo baxeen aad ayay u kala duwan tahay.[4]

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka waxaa ku xusan tiro 25 Nabi iyo Rasuul kuwaasi oo ugu horeeyo aabaheen Nebi Aadam (c.s) uguna dambeeyo nabiga lagu soo khatimay anbiyada iyo rususha waa Nebi Muxamed.[5] Intaasi waxaa dheer, Nebiyada iyo Rusushu waxaa Alle (s.w) u soo diri jirey qoomiyado kala duwan oo deegaano kala duwan ku nool, kuwaasi oo ku fasahaadey ama ka jeestay cibaadadii iyo diintii Alle u soo diray. Marka nebiyada iyo rusushu waxay ahaayeen kuwa dadka uga diga xumaha isla markaana fara wanaaga iyo wadada toosan.

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[6] oo la kala siiyay afar Rasuul. Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

Guud ahaan, sida ku xusan diinta Islaamka, diinta Masiixiyada, iyo tan Yuhuuda, anbiyada waxaa ugu horeeyay isla markaana aabe u ah Nabi Aadam C.S. oo ah aabaha dhamaan dadka.[11] Nabiyada Alle (s.w) soo diray waxaa ugu dambeeyay Nebi Maxamed (c.s.w) oo ka soo baxay qabiilka qureeysh sanadkii 570kii taariikhda miilaadiga ah.[12]

  1. Ilaahay Nebiyadiisa Baan Ka Baran Karnaa
  2. "Nabi sidoo kale loo qoro Nebi"
  3. "ingiriis: Prophet; carabi: ﻧﺒﻲ, "Nabiyu"; wadar الأنبیاء, loogu dhawaaqo "Al-Anbiyaa"; sidoo kale: ﺭﺳﻮﻝ, "Rasuul"; wadar ahaan: الرسل; "Ar-Rasul""
  4. "Tirada Nebi ee Alle u soo diray shacabka, qabiilada iyo bulshooyinka dunida aad ayay u faro badan yihiin"
  5. "Kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka waxaa ku xusan tiro 25 Nabi iyo Rasuul kuwaasi oo ugu horeeyo aabaheen Nebi Aadam (c.s) uguna dambeeyo nabiga lagu soo khatimay anbiyada iyo rususha waa Nebi Muxamed"
  6. "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
  7. "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
  8. Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
  9. Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
  10. Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud
  11. "diinta Islaamka, diinta Masiixiyada, iyo tan Yuhuuda
  12. "sanadkii 570kii"

© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search