Nebi Maxamed c.s

Nabi Muxamad (ingiriis: Prophet Mohammed; Carabi: النبي ﻣﺤﻤﺪ) Magaca oo dhameestiran: Abul Qaasim Muxamad bin Cabdullaah bin Cabd Muddalib bin Haashim (Carabi: أبو ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﺪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﻟﻠﻪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻤﻄﻠﺐ ﺍﺑﻦ ﻫﺎﺷﻢ) waa nebiga iyo rasuulka Alle (s.w) ku soo dejiyay diinta Islaamka kaasi oo ahaa hogaamiye, macalin, tilmaame, wax-u-sheege, caalim, xaakim iyo madaxa kowaad ee asxaabta (dadkii Nebiga rumeeyay), intii wakhtigaasi noolayd, iyo dhamaan aadamaha ilaa laga gaadhayo saacada qiyaame.[1][2]

Coordinates: 24°28′03.22″N 039°36′41.18″E / 24.4675611°N 39.6114389°E / 24.4675611; 39.6114389 (Green Dome)

Wuxuu dhashay magaalada Makka,[3] Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta loo yaqaano dalka Sacuudi Carabiya) markey taariikhdu ahayd qiyaastii 570 C.D (taariikhda Carabta loo yaqaano “Sanadkii Maroodiga”),[4] geeriyooday 8dii Juune sanadkii 632 C.D (asagoo 62 ama 63 jir ah) magaalada Madiina, Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta ka mid ah wadanka Sacuudi Carabiya)

Kani Waa maqaal ku saabsan nabiga Alle u soo diray diinta Islaamka.
Haku khaldin Magaca Maxamed ee dadka Islaamka ahi la baxaan.
Bogan Waxaa laga soo toosiyay Nabi Maxamed, Muxamed iyo Maxammed
Muxamed ina Cabdullaahi
Nebi Muxamed (n.n.k.h)
«Abū al-Qāsim "Abu Qaasim", (ﺍﺑﻮ ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ)»
Dhalashada 12 rabi' al-awwal 53 Hijrada ka hor
Makka
Dhimashada 12 rabi' al-awwal 11 h
Madiina
Ka sharfan Islaamka
Dirista Ramadaan 13 Hijirada ka hor / maajo 610 m, Godka Xiraa ee Makka
Meesha ugu weyn Madiina masjidka Nabiga
Taariikh la xuso 12 rabi' al-awwal sannad kasta
Astaamo Quraan
Shafeecada caalamka
Abtiris <Abū al-Qāsim Muḥammad ibn ʿCabd Allāh ibn ʿCabd al-Muṭṭalib ibn Hāshim>
Shaabadda

Maxamed, Muxamed, Maxammed (ingiriis: Mohammed, "Maxamed"; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, "Maxamed"; Magaca & Abtirsiinta: Abū al-Qāsim Muḥammad ibn ʿCabd

Allāh ibn ʿCabd al-Muṭṭalib ibn Hāshim, ﺍﺑﻮ ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﺪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﻟﻠﻪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻤﻄﻠﺐ ﺍﺑﻦ ﻫﺎﺷﻢ) ku dhashay magaalada Makka,[5] Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta loo yaqaano dalka Sacuudi Carabiya) markey taariikhdu ahayd qiyaastii 570 C.D (taariikhda Carabta loo yaqaano “Sanadkii Maroodiga”),[6] geeriyooday 8dii Juune sanadkii 632 C.D (asagoo 62 ama 63 jir ah) magaalada Madiina, Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta ka mid ah wadanka Sacuudi Carabiya) waa nebiga iyo rasuulka Alle (s.w) ku soo dejiyay diinta Islaamka kaasi oo ahaa hogaamiye, macalin, tilmaame, wax-u-sheege, caalim, xaakim iyo madaxa kowaad ee asxaabta (dadkii Nebiga rumeeyay), intii wakhtigaasi noolayd, iyo dhamaan aadamaha ilaa laga gaadhayo saacada qiyaame.[7][8]

Nebi Muxamed wuxuu Ilaahay (koreeyee) u soo waxyooday kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga iyo aasaaska u ah diinta Islaamka. Sidoo kale, Nebi Muxamed waa nebiga iyo rasuulkii ugu dambeeyay Ilaahay (s.w) u soo diro dadka. Intaasi waxaa dheer, Nebi Muxamed waa kan ugu karaamada iyo sharafta badan 25ka nebi & rasuul ee ku xusan kitaabka Quraanka ah.[9]

Dadka gaalada ahi waxay Nebi Muxamed u yaqaanaan inuu yahay qofkii helay diinta Islaamka ah, laakiin dadka muslimiinta ahi waxay heeystaan caqiido ka duwan midaasi ayagoo aaminsan in Nebi Muxamed yahay mid lagu soo dejiyay diinta Ilaah kali ah ee ka soo bilaabantey Nebi Aadam, isku soo gudbinayeen Nebi Nuux, Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, Nebi Daa'uud, Nebi Ciise ilaa ugu dambeeyn lagu soo khatimay Nebi Muxamed.[10]

Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed wuxuu ku dhashay magaalada Makka, Xijaas, ee dhulka Carabiya (maanta loo yaqaano dalka Sacuudi Carabiya) markey taariikhdu ahayd qiyaastii 570 C.D, sanadkaasi oo dadka Carabta ahi u yaqaaneen “Sanadkii Maroodiga”. Nebi Muxamed waalidkiis waxay geeriyoodeen asagoo wali yar, waxaana soo koriyay adeerkii Abu Daalib. Nebigu yaraantiisii wuxuu ahaa adhi-jir, markuu qaangaadh noqdey wuxuu ku biiray ganacsiga iyo tujaarada asaga oo u shaqo bilaabay Khadiija oo markuu 25 jirka noqdey uu guursadey.[11]

Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed markuu gaadhey 40 jir waxaa godka xira ku soo siyaartey malag Jibriil oo u soo waxyooday suuradii ugu horeeysay ee waxyiga, taasi oo ah Suuratu Al IqraSadex sano ka dib, Nebi Muxamed wuxuu bilaabay inuu dadka ugu yeedho “Kali Ahaanshaha Ilaahay”, ineey isku dhiibaan Asaga (taasi oo ah islāmnimo), iyo ineey wadada saxda ahi tahay in Asaga (Ilaahay) la caabudo - taasi oo ah dīnta - iyo in Muxamed yahay Rasuulka Rabbi soo diray; arintaasi oo dadkii deganaa magaalada Makkah ee tolka iyo qaraabada la ahaa ay ku gacan-seeydheen isla markaana ku soo kiciyeen dagaal iyo weerar joogto ah.[12][13]

Isku soo duuboo, wakhti badan oo uu diinta ugu yeedhayay ka dib, nebiga waxa soo raacay oo rumeeyay dad tiro yar, kuwaasi oo dhibaato iyo ciqaab badan kala kulmey qabiilkii reer Quraysheed. Midani waxay keentay in nebigu ku amro intii raacsanayd (asxaabta) ineey u hijroodaan ama u qaxaan dhulka Xabashida (Abbysiniya), wakhti yar ka dib sanadkii 622 ay u guuraan magaalada wakhtigaasi loo yaqaanay Yathrib (maanta ah Medina). U qixitaanka magaalada Madiina ee Hijrada waa bilowga kalandarka Islaamka.[14] Wakhti ka dib, Nebi Muxamed wuxuu mideeyay beelihii deganaa magaalada Madiina, kuwaasi oo Nebiga kala qeyb galay dagaalo badan oo guul iyo guuldaroba lahaa, sida Dagaalkii Bedr iyo Dagaalkii Uxud. Sideed sano ka dibna, Nebi Muxamed iyo asxaabtiisii oo ahaa 10,000 oo nin waxay qabsadeed mar ahaantaana maamulka dowladii Islaamka ku soo dareen magaalada Makka.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 632 C.D billo yar ka dib markii uu ka soo noqdey Xajul Wadaac asagoo jooga magaalada Madiina ayaa Nebi Muxamed aad u xanuusadey waxyar ka dibna ku geeriyooday.[15] Dhimashada nebiga waxay keentay in qabiilo badan dib uga noqdaan diinta Islaamka waxaana arinkaasi dagaalo adag ololeyaal badan ka galay hogaankii diinta ee ku xigay nebiga kuwaasi oo ahaa Khulafo Ar-Raashidiinta oo hogaamiye u doortey Abu Baker.

Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Isku soo wada duuboo, geeridii nabig ka dib, asxaabtu waxay soo ururiyeen “noloshii nebiga” (siirada) iyo hab "dhaqankii nebiga" (sunnada) kuwaasi oo ah aasaaska iyo saldhiga shareecada lagu maamulo Dawladda Islaamka. Sidoo kale, asxaabtu waxay isla-garteen in marka la soo hadal-qaado magaca nebiga la dhaho Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato (ﻋﻠﻴﻪﺍﻟﺴﻼﻡ, "ʿalayhi as-salām").[16][17]

  1. "Maxamed, Muxamed, Maxammed (ingiriis: Mohammed, "Maxamed"; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, "Maxamed""
  2. "ku dhashay magaalada Makka, Xijaas, ee dhulka Carabiya"
  3. "Abū al-Qāsim Muḥammad ibn ʿCabd Allāh ibn ʿCabd al-Muṭṭalib ibn Hāshim, ﺍﺑﻮ ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﺪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﻟﻠﻪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻤﻄﻠﺐ ﺍﺑﻦ ﻫﺎﺷﻢ"
  4. "570 C.D (taariikhda Carabta loo yaqaano “Sanadkii Maroodiga”)"
  5. "Abū al-Qāsim Muḥammad ibn ʿCabd Allāh ibn ʿCabd al-Muṭṭalib ibn Hāshim, ﺍﺑﻮ ﺍﻟﻘﺎﺳﻢ ﻣﺤﻤﺪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪﻟﻠﻪ ﺍﺑﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻤﻄﻠﺐ ﺍﺑﻦ ﻫﺎﺷﻢ"
  6. "570 C.D (taariikhda Carabta loo yaqaano “Sanadkii Maroodiga”)"
  7. "Maxamed, Muxamed, Maxammed (ingiriis: Mohammed, "Maxamed"; carabi: ﻣﺤﻤﺪ, "Maxamed""
  8. "ku dhashay magaalada Makka, Xijaas, ee dhulka Carabiya"
  9. "Ilaahay (koreeyee) u soo waxyooday kitaabka Quraanka kariimka ah ee saldhiga iyo aasaaska u ah diinta Islaamka"
  10. "Nebi Muxamed yahay mid lagu soo dejiyay diinta Ilaah kali ah ee ka soo bilaabantey Nebi Aadam, isku soo gudbinayeen Nebi Nuux, Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, Nebi Daa'uud, Nebi Ciise"
  11. "adeerkii Abu Daalib & adhi-jir, markuu qaangaadh noqdey wuxuu ku biiray ganacsi"
  12. "godka xira ku soo siyaartey malag Jibriil, malag Jibriil oo u soo waxyooday suuradii ugu horeeysay ee waxyiga"
  13. "“Kali Ahaanshaha Ilaahay”, islāmnimo, dīnta"
  14. "sanadkii 622 ay u guuraan magaalada wakhtigaasi loo yaqaanay Yathrib (maanta ah Medina)"
  15. "sanadkii 632 C.D billo yar ka dib markii uu ka soo noqdey Xajul Wadaac"
  16. "asxaabtu waxay soo ururiyeen “noloshii nebiga” (siirada) iyo hab "dhaqankii nebiga" (sunnada)"
  17. "Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaato (ﻋﻠﻴﻪﺍﻟﺴﻼﻡ, "ʿalayhi as-salām")"

© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search