Suurad

Suurad Fiiri Jadwalka Boqol toban iyo afarta Suuradood ee Quraanka Kariimka ah.

Suurada ugu horeeysa Quraanka kariimka ah ee Suuratul-Al-Faatixa.

Suurad Suurah Suuratu (ingiriis: sura, surah, surat; carabi: ﺳﻮﺭﺓ; ama wadar ahaan: ﺳﻮﺭ suwar, sidoo kale sūrah)[1] waa maqaro bog ama bogag aayado ka mid ah Quraanka kariimka ah ee Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamed (n.n.k.h). Kitaabka Quraanka kariimka ah wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo aayado ah.[2][3]

Dhererka Suuradaha Quraanku way kala duwan yihiin, tan ugu gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban 3 aayadood; halka suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban 286 aayadood.[4][5] Boqol toban iyo afarta suuradood ee kitaabka Quraanka kariimka ah waxay kala yihiin 86 suuradood oo ah Makki iyo 28 Madani ah. Kala soocida noocan ah waxaay salka ku heeysaa meesha ay suuraduhu ku soo dageen, oo ka hor intii aanu Nebi Muxamed ka tagin magaalada Makkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaa Makki,[6] halka markuu Nebigu u hijrooday magaalada Madiina waxyigii iyo quraankii ku soo dagay ay noqonayaan Madani.

Hadaba suuradahaMakkiga ahi waxay ka waramaan aakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradaha Madaniga ahi ay sharaxaan nolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshada Islaamka ah.[7] Marka laga reebo Suuratul-Al-Tawba,[8] dhamaan suuradaha kale waxay ku bilaabmaan "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ) Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.[9] Midani waa tan kala soocda isla markaana kala saarta Suuradaha ku jira Kitaabka Quraanka Kariimka ah.

Dhinaca kale, qeyb ka mid ah Suuradaha ama suurada oo dhamaystiran ayaa la akhriyaa wakhtiga lagu gudo jiro tukashada salaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran.[10]

  1. "Suurad Suurah Suuratu (ingiriis: sura, surah, surat; carabi: ﺳﻮﺭﺓ; ama wadar ahaan: ﺳﻮﺭ suwar, sidoo kale sūrah)"
  2. "waa maqaro bog ama bogag aayado ka mid ah Quraanka kariimka ah ee Alle (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Muxamed (n.n.k.h)."
  3. "Kitaabka Quraanka kariimka ah wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood oo u sii kala baxa tiro badan oo aayado ah"
  4. "gaabani waa Suuratul-Al-Kawsar oo ka kooban 3 aayadood"
  5. "suurada ugu dheeri tahay Suuratul-Al-Baqara oo ka kooban 286 aayadood"
  6. "Makkah quraanka ku soo dagay waxaa loo yaqaanaa Makki"
  7. "aakhirada iyo xoojinta iimaanka, halka suuradaha Madaniga ahi ay sharaxaan nolosha, isku-xidhnaanta iyo is-habeynta bulshada Islaamka ah"
  8. "Suuratul-Al-Tawba"
  9. "Ku Bilaabida Magaca Alle ee Naxariista mid gaar iyo mid guud" (ﺑﺴﻢ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺮﺣﻤﻦ ﺍﻟﺮﺣﻴﻢ) Bismi Allahi al-Raxmaani al-Raxiimi.
  10. "tukashada salaada taasi oo rakcad kasta lagu bilaabo Suuratul-Al-Faatixa oo dhamaystiran"

© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search