Xayawaan | |
---|---|
![]() | |
Kala soocida cilmiga ah | |
Boqortooyo: | Animalia |
Fyla | |
| |
Eray la mid ah | |
|
Xayawaan (Af Ingiriis : animal; Af Carabi : ar) waa noole ka mid ah noocyada noolaha. erayga "xayawaan" wuxuu ka yimid Af Carbeedka, dhiggiisa Af soomaaligana waa "bahal". Bahalladu wey kala duwanyihiin. Qaarkood waxay ku noolyihiin dhulka dushiisa, qaarna waxay ku noolyihiin badaha iyo wabiyada. Jaad ka mid ah bahallada waxay awoodaan in ay ku noolaadaan bad iyo berriba, sida raxa (halkani bad waxaan ula jeednaa biyaha).
Waxaa kaloo jira bahallo ku nool jirka aadanaha dushiisa inkastoo aysan isha qabanin. Bahallahan badankood waxay ku noolyihiin unugyada dhintay ee maqaarka.
Sideedaba, Soomaalida bahal waxay u taqaanaa wax kaste oo aan Aadane ahayn, balse ogoow Aadanahu waa bahal, waxa kaliya oo ka duwa bahallada kale waa garaadka.
Marka la abla-ablaynayo bahallada, waxaase ugu horeyn loo kala qeybiyaa laba jaad: Beri-joog (Dhul-joog) iyo Bad-joog. Waxaa lagu qiyaasaa in noocyada xayawaanka intiisa badani ku nooshahay badaha iyo wabiyada dunidan.
Marka la sii kala saarayo qeybaha xayawaanka waxaa loo qeeybiyaa shan qeybood:
© MMXXIII Rich X Search. We shall prevail. All rights reserved. Rich X Search